{"type":"rich","version":"1.0","provider_name":"Transistor","provider_url":"https://transistor.fm","author_name":"Irmaan","title":"S1 E1: Aas-aasihii Caymiska Soomaaliya: Qisada Maxamed Takaful | Irmaan Podcast","html":"<iframe width=\"100%\" height=\"180\" frameborder=\"no\" scrolling=\"no\" seamless src=\"https://share.transistor.fm/e/6085dcdb\"></iframe>","width":"100%","height":180,"duration":4936,"description":"Xalqadan Irmaan Podcast, waxaan ku martigelinay Maxamed Cabdi Maxamed “M.Takaful”, oo ka mid ah dadka ugu horreeyay ee dadaal weyn ku bixiyay hirgelinta iyo fahamsiinta fikradda caymiska Soomaaliya.\nMaxamed Takaful wuxuu ka sheekeynayaa safarkiisa shaqo iyo ganacsi, laga soo bilaabo ganacsigii dahabka iyo dharka, maqaayad uu ka bilaabay nolol ganacsi, ilaa fikirkii caymiska oo markii hore la kulmay caqabado badan balse markii dambe dib loo bilaabay.\nWareysigan wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa sida ay ku timid fikradda caymiska, sababihii fashiliyay bilowgii hore, dib-u-dhiska fikradda, sameynta sharciga caymiska dalka, iyo caqabadihii sharci, bulsho iyo ganacsi ee hortaagnaa in caymis rasmi ah ka hanaqaado Soomaaliya.\nXalqaddu waxay sidoo kale taabaneysaa xiriirkii uu la yeeshay shirkaddii ugu horreysay, sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya, iyo waqtiyadii adkaa ee shirkadda soo martay.\nDaawo wareysi xiiso leh oo ku saabsan ganacsi, hal-abuur, caymis, sharci, adkeysi iyo mustaqbalka adeegyada maaliyadeed ee Soomaaliya.\nChapters / Timestamps\n\n00:00 Hordhac\n02:16 Taariikh nololeedkiisa shaqo iyo ganacsi\n12:40 Ganacsigii dahabka iyo dharka\n15:01 Ganacsigii maqaayadda ee laga soo beddelay pop-ka\n18:30 Maxay ku timid fikradda caymiska?\n22:20 Bilowgii fikradda caymiska maxaa fashiliyay?\n24:05 Dib-u-bilowgii fikradda caymiska\n28:33 Bilowga sharciga caymiska dalka\n33:50 Shirkaddii ugu horreysay ee uu xiriir la yeeshay\n43:46 Sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya\n52:17 Caqabadihii sharciga caymiska hortaagnaa sanadaha badan\n59:09 Waqtiyadii adkaa ee shirkaddu soo martay\n1:05:58 Fariinta Caymiska Maxamed M.Takaful\n1:12:51 Qaaraanka iyo caymiska\n1:14:45 Gabagabo","thumbnail_url":"https://img.transistorcdn.com/yMae5ds0q-nj-2NvOhEBeezEf23pWXKM9rjpbHIO1Yc/rs:fill:0:0:1/w:400/h:400/q:60/mb:500000/aHR0cHM6Ly9pbWct/dXBsb2FkLXByb2R1/Y3Rpb24udHJhbnNp/c3Rvci5mbS8yMjlk/ZGJjMWZiMjA5Mzkw/OTEwOTUxYzEwNTkx/NTc0ZC5wbmc.webp","thumbnail_width":300,"thumbnail_height":300}