{"type":"rich","version":"1.0","provider_name":"Transistor","provider_url":"https://transistor.fm","author_name":"Miizaan","title":"S1 E18 | Miisaan Podcast | El Niño iyo Fatahaadaha: Maxay Soomaaliya Filan Kartaa? | Maxamuud Macallin","html":"<iframe width=\"100%\" height=\"180\" frameborder=\"no\" scrolling=\"no\" seamless src=\"https://share.transistor.fm/e/e58e9c46\"></iframe>","width":"100%","height":180,"duration":6062,"description":"Ku soo dhawaada xalqad cusub  oo ka tirsan Miisaan Podcast!\nWareysigan, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Maxamuud Macallin, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, khatarta El Niño, fatahaadaha iyo diyaar-garowga dowladda ee roobabka la filayo.\nBarnaamijka waxaa daadihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan.\nGuddoomiyaha ayaa ka jawaabay su’aalo muhiim ah oo ku saabsan khatarta fatahaadaha, tirada dadka ay saameyn karto, miisaaniyadda gurmadka, gaarsiinta gargaarka, wacyigelinta bulshada, iyo caqabadaha haysta SoDMA.\n📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga:\nEl Niño iyo khatarta fatahaadaha: Maxay Soomaaliya ka filan kartaa roobabka El Niño, xaggee ayay fatahaaduhu u badan yihiin, inteese ayay socon karaan?\n3.5 Milyan oo qof oo khatar wajahaya: Guddoomiyaha ayaa ka hadlay qiyaasta dadka ay saameyn karto xaaladda El Niño iyo khasaaraha dhaqaale ee laga filayo.\nDiyaar-garowga dowladda: Sidee ayay dowladda Soomaaliya ugu diyaar-garoobaysaa fatahaadaha, maxaase laga qabtay 29-ka magaalo ee loo aqoonsaday meelaha halista badan?\nMiisaaniyadda El Niño: Imisa lacag ah ayaa loo qiyaasay qorshaha gurmadka, inteese dowladda Soomaaliya hadda heli kartaa?\nFatahaadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle: Sidee loo diyaariyey gurmadka dadka ku nool deegaannada ku dhow webiyada, oo ay ku jiraan 71 doonyood oo loo qorsheeyay samatabbixin?\nWacyigelinta bulshada: Sidee SoDMA iyo hay’adaha kale ugu gudbinayaan shacabka digniinaha iyo macluumaadka ku saabsan khatarta soo socota?\nGargaarka bani’aadannimo: Maxaa caqabad ku ah gaarsiinta cuntada, hoyga, biyaha iyo adeegyada kale ee gargaarka?\nDeegaannada Al-Shabaab ka taliso: Sidee xaaladda bani’aadannimo looga jawaabi karaa meelaha ay dowladda si buuxda uga hawlgeli karin?\nCabashooyinka iyo qaybinta gargaarka: Sidee loo xulaa dadka iyo degmooyinka gargaarka la gaarsiinayo, sideese loo maareeyaa cabashooyinka bulshada?\nMusuqmaasuqa iyo hufnaanta gargaarka: Maxay SoDMA ka...","thumbnail_url":"https://img.transistorcdn.com/rVft4WqldSVfaL761JvrUns6Dq-7538YQAgl6Kan9Tk/rs:fill:0:0:1/w:400/h:400/q:60/mb:500000/aHR0cHM6Ly9pbWct/dXBsb2FkLXByb2R1/Y3Rpb24udHJhbnNp/c3Rvci5mbS9kODE0/NDNlYjRkOTE5MWRl/YTdkYjFmMzEwZTRh/ZDg0OC5wbmc.webp","thumbnail_width":300,"thumbnail_height":300}