Barbaarta Podcast waxaa marti ku ah Abdinasir Abdikadir (4C), oo ah farshaxaniiste Soomaaliyeed. Wareysigan wuxuu kaga hadlayaa safarkiisa farshaxanka, sidii uu ku bilaabay, caqabadihii uu la kulmay iyo sida uu ugu beddelay hibadiisa shaqo iyo xirfad mid uu dhaqaale ka sameeyo.
4C wuxuu sidoo kale ka warramayaa sida uu ku helay qalabkii ugu horreeyay ee farshaxanka, dadkii garab istaagay, sida uu kalsoonida bulshada u kasbaday iyo kaalinta baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ay ka qaateen kobaca shaqadiisa.
Wareysiga waxaa si qoto dheer loogu falanqeynayaa xaaladda farshaxanka Soomaaliya, fahamka ay bulshada iyo ganacsatadu ka haystaan, fursadaha dhaqaale ee ku jira, iyo farqiga u dhexeeya farshaxanka Soomaaliya iyo dalal uu booqday sida Kenya iyo Talyaaniga.
📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga:
• Sida farshaxanka dhaqaale looga sameeyo
• Caqabadaha farshaxan-yahannada Soomaaliyeed
• Fahamka ganacsatada ee farshaxanka
• Sida loo dhiso kalsoonida macaamiisha
• Safarkiisa Kenya iyo Talyaaniga
• Paint & Coffee Night iyo Raadadka Fanka
• Shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed
• Talooyin uu siinayo dhalinyarada jecel farshaxanka• Saddexda arrimood ee muhiimka u ah qofka farshaxan-yahanka ah
đź”” Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u heshid wareysiyada dambe ee muhiimka ah!
#BarbaartaPodcast #DawanMedia #4C #AbdinasirAbdikadir #Farshaxanka #Somalia #SomaliArt
#XasanSheekh #MiisaanPodcast #Soomaaliya #Mogadishu #SiyaasaddaSoomaaliya #Doorashooyinka #Dastuurka
Time Code:
00:00 Hordhac
01:39 Waa kuma 4C?
03:26 Heerkiisa waxbarashada
04:52 Bilowgiisa farshaxanka
08:59 Goormee ayay farshaxannimadu u noqotay shaqadiisa?
11:12 Yaa ka caawiyay qalabkii uu farshaxanka ku bilaabay?
16:18 Helitaanka qalabka farshaxanka ee Soomaaliya
17:10 Shaqadiisii ugu horreysay yuu la qabtay?
28:14 Qeybaha loo qeybiyo shaqada farshaxanka
30:09 Caqabadihii uu kala kulmay farshaxanka
36:19 Sidee ayuu u dhisay kalsoonida ay dadku ku qabaan?
39:04 Sidee ayuu TikTok uga caawiyay shaqadiisa?
40:02 Sidee farshaxanka loogu gudbiyaa aflaanta iyo muusigga?
43:04 Sida qof loo sawiro isaga oo ku hor fadhiya
44:36 Shaqadiisa gobollada dalka
45:09 Gurigii uu ka dhigay muuqaal militari
49:55 Sidee ayuu bulshada ugu muujiyay in farshaxanku yahay shaqo dhab ah?
53:39 Farshaxankii abaalmarinta ugu guuleystay
58:27 Safarkiisa Kenya
1:00:53 Farqiga u dhexeeya farshaxanka Kenya iyo kan Soomaaliya
1:01:53 Fikradihii uu Kenya kala soo noqday
1:02:44 Sida uu u sameeyay Paint & Coffee Night
1:05:16 Ujeeddada uu u sameeyay Raadka Fanka
1:07:58 Muhiimadda ay leedahay in qofku ka shaqeeyo waxa uu jecel yahay
1:10:38 Sheekadii surwaalkii ka halaabay ee uu xaflad ku tagay
1:11:40 Sidee farshaxanka dhaqaale looga sameeyaa?
1:15:00 Fahamka ganacsatada ee farshaxanka
1:18:20 Safarkiisa Talyaaniga
1:21:35 Farshaxankiisa oo laga aqoonsaday meel ka baxsan Soomaaliya
1:22:39 Muxuu ka bartay Talyaaniga?
1:24:53 Ku soo noqoshada dalka iyo tahriibka
1:30:27 Afrika xirfadaha ma dishaa?
1:35:27 Dareenkiisa ku aaddan inuu Soomaaliya ku matalo farshaxan
1:36:43 Maxaa ku dhiirrigeliya shaqadiisa?
1:38:36 Magaalooyinka Soomaaliya ee dadkoodu fahamka fiican ka haystaan farshaxanka
1:41:19 Caqabadaha shaqo la’aanta dhalinyarada
1:45:08 Saddexda arrimood ee ugu muhiimsan qofka farshaxan-yahanka ah
1:47:51 Talo uu siinayo qofka jecel farshaxanka
1:50:10 Muxuu kula talin lahaa 4C-gii yaraa ee sannado ka hor?
1:54:44 Dhiirrigelinta dhalinyarada jecel farshaxanka
2:07:26 Gabagabo
📍 Subscribe: / @dawan_tv
💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
đź”” Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!
https://www.dawan.so/
https://www.dawan.africa
https://www.bawaba.africa