Miizaan

Xalqadan Miizaan Podcast waxaa marti ku ah Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Barnaamijka waxaa daadihinaya Cali Nuur iyo Xuseen Cabdi Aadan, waxaana lagu falanqeynayaa xaaladda korontada iyo biyaha Soomaaliya, doorka dowladda ee sharciyeynta shirkadaha gaarka loo leeyahay, sababta qiimaha korontadu weli u sarreeyo, mashaariicda solar-ka, qorshaha lagu dhimayo qiimaha korontada, iyo suurtagalnimada in Soomaaliya koronto ka soo iibsato Itoobiya.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu ka hadlay mashaariicda biyaha, xaaladda biyaha Muqdisho, ceelasha magaalada laga saarayo, hoos u dhaca biyaha webiyada, iyo qorshaha wasaaradda ee biyo-gelinta magaalooyin badan oo dalka ah.

Qodobada ugu muhiimsan:
00:00 – Teaser: Wasaaradda maxay qabataa?
02:17 – Hordhaca Miizaan Podcast
06:19 – 500 xarumood oo solar la geliyey
15:39 – Qorshaha lagu dhimayo qiimaha korontada
26:10 – Soomaaliya ma ka soo iibsan kartaa koronto Itoobiya?
35:35 – Xaaladda biyaha Muqdisho
48:54 – Wasiir mise Xildhibaan: Bidhaan muxuu dooran doonaa?

What is Miizaan?

Miizaan Podcast, produced by Dawan Media, delivers in-depth analysis of Somalia’s politics, economy, security, and governance, as well as key developments across the Horn of Africa.
Each episode features interviews, debates, and expert insights, exploring complex national and regional issues through balanced, evidence-based journalism.
Miizaan aims to weigh perspectives fairly, giving voice to leaders, analysts, and citizens shaping Somalia’s democratic and developmental journey. It’s a space for critical thinking, informed dialogue, and independent reporting.