Barbaarta

Bilaal Bulshaawi sidee ayuu uga soo baxay nolol ardaynimo ilaa inuu noqdo mid ka mid ah dhalinyarada ugu saameynta badan TikTok-ga Soomaalida?

Qeybtaan Barbaarta Podcast, waxaan ku wareysaneynaa Bilaal Bulshaawi, oo si faahfaahsan uga hadlay bilowgiisii TikTok, noloshiisii ka hor caannimada, sida uu ugu caan baxay muuqaallada ardayda iyo uniform-ka iskuulka, fikirkiisa ku saabsan waxbarashada Soomaaliya, muhiimadda xirfadaha, caqabadaha caannimada, iyo xiriirka dhalinyarada social media-ga la leh dowladda iyo bulshada.

Wareysigan wuxuu sidoo kale iftiiminayaa su’aalo muhiim ah oo dhalinyaro badan is weydiinayaan:

Sidee Bilaal Bulshaawi ku bilaabay TikTok?
Maxaa ka dambeeyay naaneyska “Madaxweynaha TikTok”?
Sidee ayuu u arkaa waxbarashada Soomaaliya?
Shahaado keliya ma ku filan tahay dhalinyarada?
Maxay yihiin caqabadaha caannimada?
Social media lacag ma laga sameyn karaa?
Maxay tahay fariintiisa dhalinyarada TikTok-ga ku jirta?

Daawo wareysiga oo dhan si aad u fahanto safarka Bilaal Bulshaawi, fekerkiisa, caqabadihii uu soo maray iyo taladiisa ku socota dhalinyarada Soomaaliyeed.

Timecodes

00:00 Hordhac iyo muuqaalka ugu xiisaha badan
01:08 Barbaarta Podcast iyo soo dhaweynta Bilaal Bulshaawi
01:32 Bilaal: qofkee yahay?
02:11 Nolosha Bilaal ka hor TikTok
03:13 Sidee ayuu TikTok ku bilaabay?
04:17 Sababta uu social media u doortay
05:38 Iskuulkii hore iyo bilowgii kooxda TikTok
06:20 Dhiirrigelintii maamulka iskuulka
07:25 Sida uu ula falgalo dhalinyarada iyo bulshada
08:33 Sababta uu muuqaallada ugu sameyn jiray uniform-ka iskuulka
10:55 Falcelintii bulshada iyo magaca “Ciyaal Iskuul”
12:34 Fikirkiisa ku saabsan waxbarashada Soomaaliya
13:41 Shahaado, xirfad iyo shaqo la’aanta dhalinyarada
15:46 “Shahaado adduunyada wax kama tarto” – muxuu ula jeedaa?
16:57 Caqabadaha uu kala kulmay caannimada
17:52 Maalintii ugu adkeyd noloshiisa
18:35 Halis uu galay xilli uu gargaar gaarsiinayay dad abaartu saameysay
20:40 Weerar iyo dhaawac uu la kulmay
21:44 Naaneyska “Madaxweynaha TikTok”
22:28 Shaqada Madaxweynaha TikTok maxay tahay?
23:35 Muddo xileedka Madaxweynaha TikTok
24:45 Xukuumadda TikTok iyo mucaaradka uu magacaabay
25:56 Xiriirka Bilaal iyo dowladda
27:15 Somaliland, xariggiisii iyo mowqifkiisa
29:50 Xayeysiinta social media iyo ololihii miisaanka dhimista
31:11 Qaabka uu u sameeyay miisaan dhimista
33:51 TikTok iyo waxyaabaha xun ee lagu faafiyo
35:28 Sida uu si hoose uga shaqeeyo la dagaallanka dhaqan xumada online-ka
36:34 Hamigiisa mustaqbalka iyo rajada madaxweyne Soomaaliyeed
37:25 Social media lacag ma laga sameyn karaa?
38:33 Fariinta Bilaal ee dhalinyarada TikTok-ga ku jirta
39:29 Gabagabo



#barbaarta #Dawan #madaxweyne #Tiktiok #Somalia #Social #BilaaBulshaawi
🔔 HA SEEGIN XALQADAHA SOO SOCDA

Riix SUBSCRIBE oo daar  ogeysiiska (🔔) si aad ugu horrayso markaan
soo bandhigno martida xigta — siyaasiyiin, falanqeeyayaal, iyo  siyaasadda Soomaaliya.

📍 Subscribe:    / @dawan_tv
💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!
https://www.dawan.so/
https://www.dawan.africa
https://www.bawaba.africa

━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━

📲 NALA SOO XIRIIR

🌐  Website:    https://dawan.so/
📘  Facebook:   /DawanTV
🐦  X/Twitter:  @DawanTV
📸  Instagram:  @DawanTV
🎵  TikTok:     @DawanTV

What is Barbaarta?

Barbaarta is the podcast that takes you behind the screens of social media's biggest names. Hosted by Bakar Osman, the show sits down with the influencers, creators, and digital personalities - especially the young voices - who are shaping culture, shifting conversations, and building audiences from the ground up.
Each episode goes beyond the highlight reel. Bakar pulls back the curtain on what life actually looks like for the people behind the posts: how they got started, what fame really costs, the pressure of being constantly online, the wins, the burnout, and the stories their followers never get to see.
From rising stars to household names, Barbaarta is where the youth of social media speak openly - about their journeys, their struggles, their ambitions, and the realities of building a life in front of a camera.
New conversations. Real stories. Unfiltered.