Dhaqan galka dastuurka Soomaaliya waa dood xasaasi ah oo meel adag mareysa, habraaca loo maray, xilliga uu dhaqan galaayo iyo su’aalo kale oo badan oo aan jawaab loo heynin ayaa dul hoganayo dastuurka.
Muddo xileedka Dowladda dastuurka cusub waxa uu u bedalay 5 sano halka kii hore ay 4 sano ahayd, dowladda hadda muddadiida sii dhamaaneyso waxa ay aaminsan tahay inay waqtigoodu 5 sano noqday oo sanad kale u sii harsan yahay, balse mucaaradka waxay si duuduub ah u diidan yihiin wax ka bedelka dastuurka lagu sameeyay.
DAstuurka wax laga bedelay waxaa ka farcamay shuruuc doorasho, iyo lagu dhisayo axsaab, taas oo ay doorasho qof iyo cod ah ka dhalatay, iyadana waxay abuurtay qalaalse siyaasadeed oo kale.
Wareysigaan oo aan la yeelanay Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) Avv. Burhaan Aadan Cumar oo aan wax ka weydiinay:
• Wada shaqeynta Guddiyada.
• Madaxbanaanida guddiga
• Habraaca dib u eegista
• Habka wacyigelinta
• Dastuurrada Dowlad Goboleedyada.
• Miisaaniyadda Dib u eegista Dastuurka
• Siyaasadeynta Dastuurka.
• Dhaqangalka dastuurka.
Timeline:
00:00 Hordhac
01:13 Shaqooyinka Guddiyada Dastuurka iyo Wasaaradda.
11:24 Sidee guddiyada u wada shaqeeyaan?
13:50 Kumeel Gaar Mise Qabyo?
20:22 Heshiisyada Dastuurka lagu dhisay?
26:56 Wacyigalin La’aan.
31:31 Madax bannaanida Guddiga.
38:01 Miisaaniyadda Dastuurka
43:37 Dastuurrada Dowlad Goboleedyada.
45:42 Dhaqangalka Dastuurka
49:57 Siyaasadeynta Dastuurka
55:07 Dastuurka Cusub iyo shuruucda Doorashada
1:00:27 Mustaqbalka Wasaaradda Dastuurka.
1:01:30 Gabogabo.