Daryeel

Barnaamijka Daryeel Podcast ee Dawan TV waxaan kaga hadlaynaa toddobaadkan qabatinka maandooriyaha, saameyntiisa caafimaadka iyo xiriirka ka dhexeeya balwadda iyo cudurrada faafa sida HIV iyo Hepatitis B.

Barnaamijka waxaa marti ku ah Dr. Saadiya Abdisamad, Maamulaha Barnaamijka Ka Hortagga, Hakinta iyo Daaweynta HIV ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, iyo Dr. Mustafa Abdirahman, oo ah dhakhtar ku takhasusay caafimaadka dhimirka. Barnaamijka waxaa daadihinaysa Dr. Ubah Farah Ahmed, oo ah dhakhtar ku takhasusay caafimaadka carruurta.

Qodobada muhiimka ah waxaa ka mid ah:

• Maandooriyeyaasha ugu badan ee Soomaaliya laga isticmaalo
• Sababaha dhalinyarada ku riixa isticmaalka iyo qabatinka maandooriyaha
• Saameynta shaqo la'aanta, barakaca, dagaallada, saboolnimada iyo culaysyada bulshada
• Xiriirka ka dhexeeya caafimaadka dhimirka iyo isticmaalka maandooriyaha
• Saameynta xashiishka, Tramadol iyo maandooriyeyaasha kale
• HIV iyo dadka isticmaala maandooriyaha la isku duro
• Khatarta Hepatitis B ee dadka isticmaala maandooriyaha la isku duro
• Xogta HIV ee dadka isticmaala maandooriyaha iyo farqiga u dhexeeya bulshada guud
• Saameynta balwadda ku leedahay qoyska iyo bulshada
• Calaamadaha qoysku ku garan karo in qofku maandooriye isticmaalo
• Psychosis, depression iyo anxiety-ga la xiriira isticmaalka maandooriyaha
• Qabatinka maandooriyaha oo loo aqoonsado xaalad caafimaad oo u baahan daaweyn
• Baahida loo qabo wacyigelin iyo adeegyo caafimaad oo loogu talagalay dadka balwadda leh
• Doorka dowladda iyo bulshada ee ka hortagga qabatinka maandooriyaha
• Khatarta sii kordheysa ee isticmaalka maandooriyaha la isku duro Soomaaliya

Fariinta ugu weyn: Qabatinka maandooriyuhu ma aha dhibaato qofka oo keliya ku kooban. Wuxuu saameyn karaa caafimaadka dhimirka iyo jirka, qoyska iyo bulshada, wuxuuna kordhin karaa khatarta cudurrada faafa sida HIV iyo Hepatitis B. Ogaanshaha hore, daaweynta iyo taageerada caafimaad ayaa muhiim u ah qofka qabatimay maandooriyaha.

Daawo barnaamijka oo dhan, la wadaag, kana mid noqo bulshada Dawan TV.

#DaryeelPodcast #DawanTV #Maandooriye #Balwad #HIV #Somalia #CaafimaadkaDhimirka #DrugAddiction


Time Code :
00:00 – Hordhac
02:51 – Khatarta qabatinka maandooriyaha.
04:24  – Maxaa bulshada ku riixa maandooriyaha
07:54 – Intee la egyahiin saameynta  ay ku leeyihiin maandooryiha cudurrada faafa
14:52 – Cudarrada ku badan dadka balwadda leh
21:36 – Xarumah Dhaqancelinta iyo tacaddiyda ka dhacda
23:16 – Sidee la iskula daaweyn karaa HIV iyo blawad qabatinka?
27:53 – Majiraan shaqaale caafimaad oo Balwad qabatin leh Soomaaliya? 
36:03 – Qabatinka Balwadda iyo saameynta HIV.
42:10 -  Maxaa Dowladda kaga Aadan ka hortagga Qabatinka Balwadda?
46:14 - Da’da iyo jinsiga ugu badan Qabatinka Balwadda.
48:02 – Doorka bulshada ee ka Hortagga Qabtinka Balwada?
56:54 – Balawadda hooyada ma u gudbin kartaa caruurta caloosheed ku jira?
01:01:35 - Ma jiraa qorshe loogu talkagay ka hortagga Qabatinka Balwadda?
01:05:19 – Gebogebo.

📍 Subscribe: /@dawan_tv
💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
🔔 Nala soco si aad u hesho barnaamijyada iyo wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!

https://www.dawan.so/
https://www.dawan.africa
https://www.bawaba.africa Download Dawan App Today 
https://onelink.to/5vv232

What is Daryeel?

Daryeel, meaning "Care" in Somali is the first dedicated Somali-language health podcast, brought to you by Dawan Media.
Hosted by Dr. Ubah Farah, a pediatrician with over 20 years of experience in clinical practice, government leadership, and international health organizations, Daryeel delivers trusted, evidence-based health conversations designed for Somali families everywhere.
Each week, Dr. Ubah sits down with leading doctors, public health experts, researchers, and everyday Somalis to explore the health issues that shape our lives maternal and child health, immunization, nutrition, mental wellness, chronic disease, reproductive health, and the unique challenges facing the Somali diaspora.
No jargon. No barriers. Just honest, culturally grounded conversations that put knowledge - and care - back into the hands of Somali households.
🎧 New episodes every week. Subscribe, listen, and share.
Daryeel: Caafimaadkaagu waa hantidaada. (Your health is your wealth.)